Dowladda Soomaaliya oo Dalka Ku Soo Celisay Muwaadiniin Ku Xayirnaa Sacuudiga
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ku xayirnaa wadanka Sucuudiga tan iyo markii dunida safakeeda uu kala xiray xanuunka safmarka ah ee COVID-19 iyadoo dowladdu horay u soo celisay muwaadiniin ka soo horeeyey kuwa maanta soo gaaray dalka oo horay loo keenay.
Diyaaradda maanta soo cagadhigatay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ay tahay diyaaradii afaraad oo sida mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga, iyadoo sedex jeer horay loo keenay muwaadiniin magaalada Muqdisho, diyaaradda galab soo gaartay garoonka waxaa ay sida shacab gaaraya 123 muwaadin.
Muwaadiniintaan lagu Soo celiyey dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay laga soo daad gureynayay dalka Sacuudiga ayaana qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu jirto ka jawaabista baahiyaha bulshada iyo ku soo celinta dalkooda mawaadiniinta ku xiran wadamo dhowr kuwaas oo ka dilaacay caabuqa xanuunka Coronavirus.
Goobjoog News