U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyey COVID-19

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeel bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ku sheegtay in dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo Coronavirus ah 24-kii saac ee tagtay kuwaas oo gaarayo 66 xalaadoo, taas oo guud ahaantirada dadka uu ku dhacay xanuunka ka dhigeyso 2,089 qof.

Wasaaradda ayaa sheegtay in kiisas maanta la helay 33 ka mid ah laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir waana tiro aad u badan markii loo eego maalmihii tagay oo laga diiwan gelinayey kiisaskii ugu yaraa waxaana sidoo kale 26 xaaladood laga helay Somaland iyo dowlad goboleedka Puntland laga xusay kiisas gaarayo 7 kiis oo COVID-19.

Wasaaraddu maanta masheegin muwaadin dalka ugu dhintay xanuunka, waxaa dib uga soo caafimaaday 19 ruux taas oo guud ahaan dadka ka soo biskooday COVID-19 ka dhigeyso 380, kiisaska cusub 42 ka mid ah waa Rag halka 24 kale yihiin Dumar, waxaan jirin kiisas laga soo wariyey maamullada Jubbaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Googjoog News