Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kiisaska Ka Soo Kordhay Xanuunka COVID-19 48-kii Saac Ee Tagtay
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ee xanuunka safmareenka ee COVID-19 ku sheegtay guud ahaan dalka in laga diiwaan geliyey 85 xaalaad oo cusub taas oo guud ahaan muwaadiniinta xanuunka uu ku dhacay dalka ka dhigeyso 2,289 oo ruux.
Wasaaradda ayaa qooraalkeeda maalin laha ah ku sheegtay in gobolka Banaadir laga helay 19 ruux, Somaliland ayaa laga diiwaan geliyey 29 kiis halka dowalda goboleedka Galmudug laga soo xusay 17 xaalad iyo jubbaland 14 xaalad, Koonfur Galabeed 5 kiis halka dowlad goboleedka Hirshabeelle laga soo diiwaan geliyey 1 kiis oo COVID-19 ah,dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta aan laga soo sheegin wax xaalad oo ku aadan xanuunka Coronavirus.
Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta sheegtay in 3 muwaadin dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19 taas oo guud ahaan dadka xanuunka u geeriyooday ka dhigeyso 82 ruux, waxaana xanuunka ka soo caafimaaday 13 ruux oo guud ahaan dadka soo bogsaday ka dhigeyso tan iyo markii uu ka dilaacay 431 ruux, kiiska la helay 58 ka mid ah waa Rag halka 27 Haween yihiin sida qoraalkeeda maalin aha ah lagu sheegtay wasaardaa caafimaadka Soomaaliya.
Goobjoog News