U bood dhigaalka

Akhriso: Guddiga Dastuurka BF oo Golaha Shacabka Hordhigay Saddex Caqabad oo Heysata Ansixinta Dastuurka

Sheeko:Amniga

Guddiga Dastuurka ayaa arbacadii waxaa ay golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ka hor akhriyeen qabyo qoraalka 2-aad ee dastuurka KMG ah, oo u qeybsan qaanadihiisu (1) Dastuurkii asalka ahaa, (2) Aragtida labada guddi iyo (3), Faahfaahin.

Guddiga waxaa uu faahfaahiyey in dastuurkan KMG ah uu soo maray saddex marxalad oo ugu horeysay in guddi dhameystira loo saaro taas oo laga soo bilaabay 2004-tii, socotana 7 sano halka marxaladda ay aheyd shaqadii baarlamaanka 9-aad ee dhisay guddiyada la socodka iyo midka madaxabannaan taas oo dhacday iyo dib u eegista uu qabtay baarlamaanka 10-aad.

Guddiga waxaa uu sidoo kale uu sheegay in dhameystirka dastuurka u qeybiyey mid 5 cutub, kuwaas oo dhammaan la dhameeyey iyo shirar watashi ee dowlad goboleedyada iyo hey’adaha kala duwan.

Dastuurka hadda qabyo qoraalkiisa la dhameystiray waxaa uu uga duwan yahay kii hore, waxaa lagu soo daray labo cutub oo kala ah (1) Cutubta dowlad goboleedyada oo faahfaahsan (2).  Dhaqanka, madax cusub iyo 30 qodob.

Warbixinta guddigan waxaa ku jirtay in marka qabyo qoraalka 2-aad ee hadda golaha la horkeenay ay dhameeyeen ay kula laabteen dowlad goboleedyada Koonfur galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug halka aaney u suurogelin Puntland iyo Jubbaland iyaga oo soojeediyey in sidoo kale loo baahanyahay in la dhameystiro arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed.

Saddex caqabad ay sheegeen waa (1). Khilaafaadka u dhaxeeyey dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada sida qodobka 53-aad. (2). Khilaafaadka labada aqal oo ragaadiyey habraac la keenay labo sano ka hor. (3). Arrimaha maaliyadda oo aan miisaaniyadda lagu darin, oo dhibaato maaliyadeed gelisay labada guddi.

Guddiga ayaa ugu dambeyntii hooska ka xariiqey in aaney jirin cid daneyneysa dastuurka, dowlad goboleedyada qaarna iyo siyaasiyiinta, ay diideen in laga hadlo arrimaha dastuurka oo hadda 15 sano jiitamayey.

Goobjoog News