Madaxweyne Madoobe oo Tababar usoo Xiray Ciidamo Kamid Noqonaya Daraawiishta Jubbaland
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray ciidamo kamid noqonaya Darawiishta Dowlada Goboleedka Jubbaland.
Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadan doonaan Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo ciidamada Darawiishta Jubbaland ay kawadaan deegaannada maamulkaasi.
Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in ciidankaan sidoo kale ay ka qeyb qaadan doonaan sidii la isugu la furi lahaa deegaannada Jubbaland, kuwaas oo ay kala go’doomiyeen Al-shabaab.
Goobjoog News