U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaare Cali Khaliif oo Lagu Aaasay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho la keenay meydkiisa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.

Marxuumka ayaa 8-ddii bishan waxaa uu xanuun aan la garaneyn waxaa uu ugu geeriyoodey magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Itoobiya.

Markii meydkiisa la keenay waxaa dadkii salaadda janaasada ku tukaday ka mid ahaa madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Rooble, qaar ka tirsan goleyaasha fulinta iyo sharci dejinta iyo dadweyne kale.

Janaasada oo lagula dukaday gudaha Airporka kadib waxaa loo gulbiyey qabuuraha si loogu soo aaso.

Goobjoog News