U bood dhigaalka

Cumar Cali “Reer Uganda Way Soo Dhawaynayaan Wasiir Xamse Saciid Xamsa”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Ururka kubbadda cagta Dalka Uganda Mr.Cumar Cali iyo saaxiibadiisa ayaa soo dhaweeyay una soo hambalyeeyay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Xamse Saciid Xamse,iyagoo u rajeeyay guul iyo horomar inta uu joogo Wasaarada Ciyaaraha Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

“Waa guul weyn oo u soo hooyatay Soomaaliya,waana markii ugu horeesay taariikhda ciyaarahan u soo dheelay Xulka loo magacaabay Wasaarada Ciyaaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha Ururka Kubbadda Cagta Uganda Cumar Cali Maxamuud.

Dhinaca kale Ururka Kubbadda Cagta Uganda ayaa sheegay in ay Wasiir Xamse ay u diyaariyeen kulan ciyaareed soo dhaweyn oo ay ka qeyb galayaan dhalinyarada degnada magaalada Kampala.

“Waxaan Wasiir Xamse u diyaarinay ciyaar soo dhaweyn ah,waxaana howshan isku xilqaamay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Uganda,iyagoo ku faraxsan taariikhda iyo qibrada Xamse Saciid” ayuu Goobjoog Sports ugu waranay mudane Cumar Cali Maxanuud guddoomiyaha Ururka Kubbadda Cagta Uganda.

Si kastaba waxaa isoo taraya Hambalyada iyo soo dhaweynta loo diray Wasiir Xamse Saciid Xamse,waxayna falanqeyaaasha ciyaaraha arinta ku sheegeyn guul weyn oo laga sameeyay kobaca iyo horomarka isboortiga Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle