U bood dhigaalka

Wasiir Xasan Cabdinuur “Waxaad Matalaysaan Koonfur Galbeed,Waxaana Idinka Sugayaan Koobka Maamul Goboleedyada”

Sheeko:Cayaaraha

Wasiiro ka tirsan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa booqasho dhiirigelin ugu tagay kooxda Kubabdda Cagta Koonfur Galbeed ee ka qeyb galaysa tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wasiiradda booqday kooxda Koonfur Galbeed ayaa waxa ay kala ahaayeen Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Guddaha Xukuumadda Soomaaliya, iyo Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Biyaha Xasan Cabdinuur Cabdi,iyagoo macallimiinta iyo ciyaaryahanada Koonfur Galbeed u balanqaaday in ay diyaar u yihiin doorkooda horomarinta laacibiinta Koonfur Galbeed.

“Sharaf iyo karaamo ayay inoo tahay in aan idin soo booqano,waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan aad ugu diyaar garoowdeen tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxaan idinka sugayaan in aan soo keentaan koobka” ayuu saxaafada u sheegay Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Biyaha Soomaaliya mudane  Xasan Cabdinuur Cabdi.

“Farxad ayay ii tahay in aan maanta idin soo booqdo,runtii waxaa aad ii soo jeetay sida wanaagsan aad u diyaar garowdeen tartanka Maamul Goboeledyada,waxaan diyaar u nahay in aan waqti kasta idin imaano oo aan lo socono xaaladiin” ayuu warbaahinta u sheegay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Guddaha Xukuumadda Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle