U bood dhigaalka

Nil Ku Labisanaa Dharka Ciidanka oo Will Dhallinrayo ah Ku Dilay Shabeellada Hoose

Wararka naga soo gaarayo goobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in nin xirnaa dharka ciidanka xoogga uu dil u geystay qof la xusay inuu ahaa shacab deegaanka Golweyn oo ka tirsan deegaannada gobolkaasi.

Marxuumka la dilay  ayaa wararku  waxaa ay sheegayaan in isaga ninka dilka u geystay ay ku murmeen lacago uu weydiistay, taas oo uu ka dhago adeygay inuu dhiibo sidaas ayuuna ugu dhuftay xabad sida ay sheegayaan wararka.

Qofka la dilay ayaa waxaa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo deegaanka deganaa, waxaana uu ka mid ahaa kuwa ku shaqeysto mootada labada Lug leh ee loo yaqaano Ficon-ta, waxaana magaciisa lagu soo koobay Dhuure.

Ninkii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday laamaha ammaanka oo soo gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaa sameeyey baaritaan ay ku baadi goobayaan ninkii dilka geystay, iyagoo jeegay in ay ku raadjoogaan dambiilaha.

inta badan rag ku hubeysan dharka ciidanka ayaa waxaa ay dil u geystaan dhallinyarada, kuwaas oo badanaa ay ku murmaan lacago ay weydiistaan, taas oo dhalisa in ay toogtaan ruuxa,waana arrin inta badan soo laablaabata.

Goobjoog News