U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo La Kulmay Milkiilaha Shirkadda Dhiseysa Jidka Afgooye

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa talaadadii la kulmay milkiilaha shirkadda dhismaha Afgooye, taasi oo la beegsaday shaqaalaheeda.

Mevlut Cavusoglu  ayaa waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilsau Hidayet Zorlu, oo ah milkiilaha shirkadda Turkiga ah ee En-Ez, kulanka waxaa uu ka dhacay caasimadda Ankara.

Zorlu aya weeararkii sabtidii uga waramay Cavusoglu iyo ku xigeenkiisa Yavuz Selim , waxaa kale oo ka sheekeeyey qorshayaasha horyaalla isaga oo soo qaatay weerarro badan oo shaqaalihiisa ay la kulmeen 2-badii sano ee lasoo dhaafay.

Cavusoglu ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid shaqaalaha isaga oo caafimaad u rajeeyey inta dhaawaca ah.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Anadool, qarax sabtidii dhacaya waxaa ku geeriyooday labo u dhalatay dalka Turkiga Selami Aydogdu, Erdinc Genc iyo 5 kale.

Goobjoog News