Madaxweeynihii Hore Ee Dalka Oo Geeriyooday
Sheeko:Arrimaha Amniga
Allaah u naxariisto waxaa goordhaw magaalada Niarobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahadi Maxamed .
AUN madaxweynaha ayaa muddooyinkii u danbeysay ku xanuunsanayay dalkaas.
Cali Mahadi Maxamed ayaa dhashay 1 January 1939 .
Madaxweyne Cali ayaa 26 January 1991 loo doortay xilka madaxweynanimada Soomaaliya kadib markii uu dalka ka tagay Maxamed Siyaad Barre .
Waxa uu sidoo kale December 1997 uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxiixday Heshiiskii Qaahira .
Cali Mahadi ayaa ahaa rug caddaa Siyaasadeed iyo Oday dhaqan.