U bood dhigaalka

Ku Dhawaad 60 Qof Oo Shacab ah ayaa Lagu Dilay Niger

Kooxa Hubeysan ayaa dalka Niger dil ugu geeystay ku dhawaad 60 qof xilli ay ku socdaalayeen gobal u dhaw xadka uu Mali la wadaho dalkaas .
Dadka la dilay ayaa gaaraya 58 qof kuwaas oo kooxa wato Mootooyin ay jidka u galeen iyagoo saaran gaari Bas ah xilli ay ka soo noqdeen suuq lagu iibiiyo xoolaha oo ku yaalla xadka dalka Niger uu la wadago Mali .
Dowladda ayaa sheegtay in falkan uu dhacay gelinkii dambe Isniinta sida ku cad war ka soo baxay dowladda Talaadadi .

“kooxo hubaysan, oo aan wali haybtooda la aqoonsan ayaa afar baabuur oo rakaab siday ka celiyey suuqa toddobaadlaha ah ee Banibangou illaa tuulooyinka Chinedogar iyo Darey-Daye,” ayay dawladdu sheegtay .

“Khasaaraha ka dhashay falalkan naxariis darrada ah waa 58 qof oo dhintay, mid dhaawacmay, iyo laba gaari oo la gubay .

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda, laakiin Niger waxay la halgameysaa laba olole oo jihaadi ah – galbeedka ku dhow Mali iyo Burkina Faso, iyo kacdoon toban sano jirsaday oo ka socda koonfur-bari xadka ay la wadaagaan Nigeria.
Weerarkan ayaana ka dhaca gobolka Tillaberi oo ku yaal aagga saddexda-xuduud oo ay wadaagaan Niger, Burkina Faso iyo Mali.

Mar sii horeysay, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in weerarada ay ku bilowdeen weerar lagu qaaday bas u safrayay Chinedogar, halkaas oo “kudhowaad 20 qof lagu dilay.”
Qof kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka la dilay ay ka dukaamaysanayeen Banibangou, oo ah magaalo weyn oo suuq ah oo waxyar uun u jirta xadka Mali.

“Burcad hubeysan” ayaa kadib weerartay tuulooyinka abaare 6-dii fiidnimo waqtiga maxalliga ah , halkaas oo ay ku dileen ilaa 30 qof, ilo amniga ah ayaa sidaas sheegay.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah laga bilaabo Arbacada Maanta ah .