U bood dhigaalka

Hakad ku yimid wadahadallada heshiis kordhinta Raheem Sterling ee Kooxda Manchester City

Sheeko:Cayaaraha

Sida wararku ay sheegayaan waxaa hakad uu ku yimid wadahadallada heshiis kordhinta Raheem Sterling ee Kooxda Manchester City.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay in wadahadalladii heshiis kordhinta Raheem Sterling iyo Kooxdiisa Manchester City ay hakad galeen.

Hakadka ku yimid wadhadallada heshiis kordhinta Raheem Sterling iyo kooxdiisa reer England ayaa lagu sababeeyey labo arrin oo ay tan koowaad tahay inay xiddiga asal ahaan ka soo jeeda Jamaica ay labo waddo kala raaceen wakiilkiisii.

Garabka xulka qaranka England ayaa isaguna doonaya in sare loo qaado mushaharkiisa haatan uu ka qaato Kooxda Man City oo la gaarsiiyo todobaadkii 320,000 oo gini si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub oo shan sanadood ah oo uu ku sii joogi doono garoonka Etihad.