U bood dhigaalka

Paul Pogba oo ugu dambeyntii dib u helay Baabuurkiisa qaaliga ah ee ka maqnaa 270 maalmood

Sheeko:Cayaaraha

Paul Pogba ayaa aakhirkii dib u helay Baabuurkiisii Rolls-Royce ka ahaa ee muddo dhowr bilood ah ku jiray gacanta booliska.

Xiddigga kooxda Manchester United ee ka dhisan waddanka Ingiriiska, Paul Pogba ayaa markale dib u helay baabuur ku jiray gacanta booliska muddo 270 maalmood ah, kaddib markii qalad uu galay bishii June mar uu marayay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Magaalda Manchester, bishii June ay boolisku joojiyeen, sababtoo ah waxa uu baabuurkiisu isticmaalayay taargada Monaco ee Faransiiska.

Pogba oo 28 jir ah, haystana Koobka Adduunka ayaa bishii December waxaa mawkxamadda Tameside Magistrates court ay ku xukuntay inuu bixiyo 220 giniga Istarliinka ah oo ganaax ah iyo 85 gini oo iyagana kharashaad kale ah, laakiin Pogba ayaa isaga tagay baabuurkiisii isagoon bixin lacagtii ganaaxa ahayd ee lagu xukumay.

Harraantii bishan ayuu Pogba dib u raadsaday baabuurkiisii raaxada ahaa ee Rolls-Royce, waxaana dadka qaar ay la yaabeen sababta Pogba uu muddadaasi dheer u raadsan waayay baabuurkiisan gaaliga ah, kaasoo suuga ka jooga 300,000 oo giniga istarliinka ah oo u dhiganta 415 kun oo dollar.

Sharciga Ingiriiska ayaa waxa uu dhigayaa in gofka aan ahayn muwaadin British ah uu ku gasban yahay inuu beddelo taargada ama lambarka baabuurkiisa kuna beddelo mid Ingiriis ah muddo 6 bilood gudaheeda ah haddii kale waxaa baabuurkaasi la wareegi doona Booliska.

Paul Pogba oo 2016-kii ay Manchester United kula soo wareegtay adduun dhan 90 milyan oo giniga istarliinka ah ayaanan ku qasbanaan muddadii uu baabuurkani ka magnaa inuu raaco gaadiidka dadweynaha, sababtoo ah waxa uu mushaar ahaan isbuuciji u qaataa 260,000 oo Pound oo u dhiganta 359,000 oo dollar.

Dhanka kale, iyadoo baabuurkiisa Rolls Royce uu ku jiday gacanta booliska ayaa waxaa la arkayay Pogba oo isticmaalayay baabuur kala duwan oo dhammaantood gaali ah sida; Ferrari 812 Superfast oo gümihiisu dhan yahay 260,000 oo giniga istarliinka ah oo u dhinta hal isbuuc mushaarkiisa, Lamborghini Avendator oo isna 270,000 oo giniga istarliinka ah iyo Beritley Flying Spur oo isna 132,000 oo Pound ah.

Waxaa kale oo la arkayay Pogba oo mararka gaar ku socda baabuurta kala ah Maserati Quattroporte 115,000 oo Gini, Audi RS6 power R oo 100,000 Gini ah iyo Chevrolet Camaro oo jooga 40,000 oo gini.