Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladwayne ee maagalada madaxda gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay koxa hubeysan gudaha magaalada dil ugu geysteen mas’uul ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan .
Mas’uulka la dilay ayaa ahaa guddoomiyaha dhalinyarada gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Faarax-Diir Cabdi Garruun.
Garruun ayaa xilligii la dilayay ku sugnaa goob maqaaxi ah oo lagu caweyo, iyadoo kooxihii dilka guddoomiyaha ka dambeyay ay isaga baxsadeen goobta dilka kadib .
Dilka guddoomiyaha kadib ayaa waxaa goobta soo garay ciidamada ka tirsan kuwa ammaanka magaalada Baladwayne, iyagoo baaritaano kooban ka sameyay goobta dilka kadib .
Illa iyo hadda maamulka magaalada Baladwayne iyo kan gobalka Hiiraan kama aysan hadlin dilka Allaah u naxariiste guddoomiyaha gobalka Hiiraan .
Goobjoog News