U bood dhigaalka

Xiriirka Kubacag Yaraha Soomaaliya Oo Kulan Dhiirigelin Ah U Sameeyay Akadeemiyadda ITAAL Oo Muqdisho Ka Aas-aasay Weriye Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcagyaraha ayaa kulan dhiirigelin ah u sameeyay akadeemiyada Itaal oo magaalada Muqdisho ka aas aasay agaasimha Goobjoog TV ahna macalllinka Akadeemiyada Itaal Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar), waxaana munaasabada dhiirigelinta ka soo qeybgalay madaxda Xiriirka Minifootbolka iyo mas’uuliyeen kale.

“Waxaan diyaar u nahay dhiirigelinta iyo garab istaaga Akadeemiyada Itaal, runtii waan ku amaanayaa dadkii ka danbeeyay is barashada akadameemiyada Itaal iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha” ayuu sheegay Xoghayaha guud ee Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya mudane Daa’uud Shire Maxamed.

“Hadii aan ahay wakiilka Koonfur Galbeed ee Xiriirka Kubadcag yaraha waxaan balanqaadayaa in aan deegaanada Koonfur Galbeed ka dhisno akadeemiyada la mid ah tan uu aas aasay weriye Aweys Aar” ayaa isna munaasabada dhiirigelinta da’yarta Itaal ka sheegay Wakiilka Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Cabdirashiid Maxamed Ibraahim.

Goobjoog iyo Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya waxaa ka dhaxayso wada-shaqeyn ku dhisan horomarin, madaxda Xiriirka kubadcag yaraha waan kaga mahadcelinaynaa da’daalka muuqda ay ka wadaan dalka iyo dibadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Tafatiraha Goobjoog Media Group Mudane Hanad Cali Guuleed.

“Ma garanayo si aan ugu mahadceliyo madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, waxaan diyaar u nahay in aan si dhaw u wada-shaqayno” ayuu munaasabaada ka sheegay aas aasaha ahna macallinka kooxda kubbadda cagta Akadeemiyada Itaal mduane Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar).

 “Warbaahinta Goobjoog way ku mahadsantahay horomarka ay na gaarsiiyay, hadii aanu nahay madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, waxaan u hayaan abaal weyn” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahadi.

 

Daawo Warbixin Kulan Itaal Iyo SOMFA

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/daauud-shire-maxamed-waa-muhiim-dhiirigelinta-shirkaddaha-ganacsiga-ee-horomarinta-xiriirka-kubadcag-yaraha-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle