U bood dhigaalka

Abiy Ahmed: TPLF Waxaa Hogaaminayo Kuwa Aan Hadaf Laheyn

Sheeko:Caalamka

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ku sugan furimaha dagaalka Itoobiya oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa markale fariimo culus oo ka dhan ah kooxda TPLF.

Abiy ayaa sheegay in kooxdan ay hogaaminayaan kuwa aan laheyn wax u jeeddo ah sida uu hadalka u dhigay ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

“Dhallinyaradii Tigray, waxay u daadanayaan sidii caleemihii geedka. Way ogyihiin inaysan guul arki doonin. Waxaa hoggaaminaya mid bilaa hadaf ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Abiy.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay in loo bahan yahay TPLF in ay isasoo dhiibaan xilligaan oo uu sheegay in guullo waaweyn ka gaareen jabhadda.

” Waa in aad is dhiibtaan maanta oo isu dhiibtaan ciidammada difaaca qaranka, ciidammada gaarka ah, maleeshiyaadka inala shaqeeya ama shacabkaba”ayuu yiri Abiy

Abiy Ahmed ayaa todobaadki hore tagay furimaha hore ee dagaalka kadib markii kooxda TPLF ay qabsadeen deegaano kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii u dambeyay baahinayay guullo ay ka sheeganayaan dagaalka mudada ka socda Itoobiya.

TPLF ayaan illaa hadda iyado jawaab ka bixin guullaha ay dagaalka ka sheegteen ciidamada Itoobiya ee uu hogaaminayo Gaashaanle dhexe Abiy Ahmed.

Abiy ayaa muddo dheer ka tirsana ciidamada Itoobiya waxa uuna ka gaaray darajada Gaashaanle Dhexe ee ciidmada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta iyo indhaha caalamka ka soo muuqday isaga oo ku labisan dareeska ciidamada isticmaalayana qalabka sahminta cadawga goobaha uu u soo jiro loo adeegsado.

Goobjoog News