U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Markale Ka Dooday Miisaaniyadda Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo maanta kulanka wadajir ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dooday miisaaniyadda qaranka, xildhibaannada ayaa dood galiyay miisaaniyadda 2022 oo dhowaan lasoo gudbiyay, xildhibaannada ayaa sidoo kale Su’aalaha waydiiyay wasiirka wasaaradda Maaliyadda

Xildhibaannada ayaa sidoo kale wasiirka Bayle waydiiyay su’aalo la xiriira xisaab xirkii miisaaniyadda Qaranka ee sanadihii la soo dhaafay oo Baarlamaanka aan la horkeenin iyo kuwa la xiriira miisaniyadda hortaala oo ay ku jiraan odoros miisaaniyadeed iyo Mashaariic u baahan is waafajin iyo faahfaahin meelaha qaar.

Guddiga KMG ee maaliyada Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey warbixinta Odoroska qoondada 2022-ka, waxaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen warbixinta miisaaniyad sanadeedka,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in maalinta berri ah la isku soo noqon doono.
Goobjoog News