U bood dhigaalka

Ciidamada Turkiga oo Duqeymo Khasaare Dhaliyay Ka Fuliyay Ciraaq

Diyaaradaha dowladda Turkiga oo duqeyn ka geystay  xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo reer Ciraaq ah, duqeynta ayaa sigaar ah uga dhacday  goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho.

Sagaal ruux ayaa geeriyootay inta la xaqiijiyay oo ay ku jiraan laba caruur ah, halka ay dhaawacmeen 33 kale, diyaarada ay leedahay  Turkiga ayaa laba jeer duqeysay magaalada, Madaxa gobolka Zakho, Mushir Bashir, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin “dalxiisayaal ka yimid Carabta Ciraaq.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah ay ku jiraan Carab ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalka” sida uu  sheegay Wakaaladda wararka ee AFP. Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid lagu weeraray madax banaanida Ciraaq.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay keentay in dowladda Ciraaq amar ku siiso wasaaradda arrimaha dibadda inay u yeerto safiirka Turkiga ee Ciraaq oo ay u sheegto sida ay Baqdaad u cambaareynayso dhacdada, waxaana ay Turkiga ka dalbaday raali-gelin rasmi ah iyo in ciidamadooda kala baxaan dhammaan dhulka Ciraaq.

Goobjoog News