Ayman Al-Dhawaahiri oo Lagu Dilay Duqeyn
Sheeko:Arrimaha Amniga
Mareykanka ayaa duqeyn ay ka fuliyeen caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ku dilay madaxii Al-qaa’ida Ayman Al-dhawaahiri.
Dilkan oo ay fuliyeen CIA ayaa la sheegayaa in ay uga aargudeen dilalkii muwaadiniin Mareykanka oo kooxdaasi ay dileysay muddo dheer.
Mareykanka ayaa horay u dilay Usama Bin Ladin 2011-kii, lama oga in ay Al’qaacida sii jiri doonto iyo cidda badali doonta Dhawaahiri.
Goobjoog News