U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Shirka TICAD Ee Tunisia Ugu Furmay Madaxda Afrika Iyo Japan?

Waxaa maanta magaalada Tunis  ee caasimadda dalka Tunisia ka furmay shirka caalamiga ah Tokyo ee Horumarinta Afrika,  kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa furay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid oo ka hadlay iskaashiga  ka dhaxeeya dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan.
Shirkan caalamiga ah oo sidoo kale khudbado ay ka jeedinayaan madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxay kaga wada hadlayaan qodobo ay ugu waaweyn yihiin kobcinta dhaqaalaha, sidii loo abuuri lahaa fursado horumar, bulsho isku filnaansho gaarta iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa nabad iyo degenaansho ay helaan wadamada Afrika.
Wafdiga Soomaalida ah ee gaaray dalkaas  ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD)  ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana lagu wadaa in lasoo  gabagabeeyo maalinta barri ah oo khaariikhdu tahay  28-ka August, iyadoo looga hadlayo arrimo dhowr, oo quseeya Afrika.

Tokyo International Conference of African Development ayaa waxaa uu soo bilowday sanadkii 1993-dii, dowladda Japan ayaa martigelisa, waxaana looga hadlaa hormarinta , nabadda iyo ammaanka dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, safarka ra’iisulwasaaraha ayaa ah kii ugu horeysay oo dalka uu kaga ambabaxo tan iyo markii lasoo magacaabay.

+10
Goobjoog News