U bood dhigaalka

Saameynta Taabuuda ee Gabdhaha

Sheeko:Amniga

Isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya marka aad joogto Soomaaliya waa waxa ugu badan ee aad ku arkayso bulshada qaar ka mid ah, kuwaas oo camal ka dhigtay waayuhuna badeen in ay isticmaalaan qeybaheeda kala duwan, sida Qaadka, Shiishadda, Alcohol-ka iyo Taabuuda oo sannadihii ugu dambeeyay saameyn ba’an ku yeelatay dhallinyaro qeybaheeda.

Waa ganacsi si caadi ah loogu iibiyo suuqyada, waxaana si maalinle ah u isticmaala dhallinyaro badan, kuwaas oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho. Taabuuda ayaa waxaa lagu tilmaamaa in ay ka Khatar badan tahay maandooriyeyaasha kale, iyadoo lagu iibiyo dukaamada caadiga ah iyo goobaha kale, qiimaheeda oo aad u yar ayaa dhallin badan ugu dhiirragaliyay isticmaalkeeda.

Haddaba Goobjoog News ayaa u kuurgashay saameynta gaarka ah ee ay ku leedahay dumarka Isticmaala iyo dhibaatada ay ku qabaan. Waxaana si gaar ah ula kulannay mid ka mid ah gabdhaha isticmaalay maandooriyaha lagu magacaabo Taabuuda, iyada oo ka warbixisay sababta ku kalliftay in ay isticmaasho, dhibaatada ay kala kulantay iyo goortii ay billowday cunisteeda.

Gabadha oo aan qarinnay magaceeda ayaa waxaa ay Goobjoog News u sheegtay in ay isticmaalkeeda ay billowday xilli laga joogo 3-sano ah, xilligaa oo aheyd 2019-kii,  iyadoo intaas raacisay in ay ku dhiirrageliyeen gabdho kale, kuwaas oo ay aqoon u laheyd, waxaa ay sheegtay in 18- sano jir iyadu aheyd, si tartiib tartiib ahna ay ku baratay muddadaas illaa ay la qabsatay.

Waxaa sidoo kale ay sheegtay in Waalidka dhalay uusan ogeyn, iyadoo sababta ku sheegtay in ay ka cabsanayso in ay kasoo gaarto dhibaato sida ay hadalka u dhigtay, isticmaalkeeda maalinlaha ah ayey ku sheegtay in maalintii ay isticmaasho afar mir, waxaana hadalkeeda ay raacisay markii ay ku cusbeed in halka xabbo uu dhib ku ahaa sida ay ku warrantay nafteeda.

Xilli ay ka hadlaysay dhibaatooyinka ay ka dhaxashay waxaa ay sheegtay in ay ugu daran tahay Wadnaha oo aad u garaaca, sidoo kale ay jiraan waxyaabo badan oo ay lasoo gudboonaaday intii ay wadday isticmaalkeeda, iyadoo intaas ku dartay marka laga tago nafteeda in ay jiraan hablo kale oo asaageed ah oo isticmaala, kuwaas oo arday iyo kuwa kale ah.

Marka laga tago waxyeellada Wadnaha waxaa kale ay sheegtay in ay isku aragto caajis faro badan, taas oo u diida in ay qabato shaqo badan dhanka guriga, taasna ay keento in ay isticmaasho markii ay jirkeeda ka baxdo, si ay uga hesho Tamar sida ay hadalka u dhigtay, waxaana ay ugu baaqday hablaha in ay ka joogaan isticmaalka Maandooriyaha Taabuuda.

Warbixintaan intaan ku jirnay waxaan booqannay mid ka mid ah goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo maandooriyaha loo yaqaan Taabuuda, mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ka mid tahay ganacsida caadiga ah ee la keeno dalka ee maanka dooriya, waxaana uu ku sheegay in ay ku sababtay iibinteeda, kaddib markii ay badatay weydiinteeda.

Dhankale waxaa uu sheegay in lacagta lagu iibiyo oo ka yar darteed ay ku dhiirrigelisay dhallinyaro badan in ay iibsadaan, isaga oo ka gaabsaday inuu sheego goobaha ay kasoo iibsadaan ee Suuqyada Muqdisho, laakiin waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay tahay ganacsi ka yimaada dibadda oo dalka u soo gala sida qaadka oo kale sidaasna ay ku soo gaarto suuqdayada dalka.

Dowladda ayuu ugu baaqay in ay baaritaan ku sameyso maandooriyahaan uu sheegay waxa iibsada dhallinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira, waxaana uu xusay in gabdhaha iibsada ay aad u soo badanayeen muddooyinkii dambe, kuwaas oo ah kuwa arday waxbarata iyo kuwa xaafaha kasoo doonta ayna si joogto ah u isticmaalaan Taabuuda.

Taabuuda oo ah maandooriye ayaa dhaqaatiirtu waxa ay sheegaan in ay ka halis iyo waxyeello badan tahay kuwa kale sida Sigaarka, Qaadka iyo Koollada, waxaana inta badan la sheegaa in ay dhaawacdo Wadnaha, Sanbabada iyo Beerka oo ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan dadka Banii’adamka, maaddaama Tubaakada ku jirta ay aad u badan tahay sida ay sheegaan. 

Goobjoog News