Ergayga Abaaraha oo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Canada Kala Hadlay Arrimaha Gurmadka
Sheeko:Wararka Caalamka
Ergayga arrimaha Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa waxaa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada, kulanka ayaa waxaa ka qeybgalayo bulshada qeybahooda kale duwan, kuwaas oo ku sugnaa madasha kulanka.
Kulankaan waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay oo goobjoog u ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimadda, aqoonyahannada dhallinyarada, haweenka iyo xirfadlayaasha ayuu Ergeygu uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha dalka ka jirta xilligaan.
Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha ayaa jaaliyadda Toronto wuxuu ku dhiirrageliyey in ay si mug iyo miisaan leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, kaas oo ka socda qeybo kamid dalka oo ay kula jiraan ciidanka dowladda federalak iyo kuwa deegaanka.
Ergeygu wuxuu dhanka kale jaaliyadda ku boorriyey In ay dawladda Canada culays ku saaraan in ay kordhiso deeqda gurmadka abaaraha ee Soomaaliya siiso, maadaama Canada ay kamid tahay dalalka Soomaalida ugu badan ay joogaan, kuwaas oo qaarkood ah xildhibaanno laga soo doorto magaalooyinka qaar oo ay ku jirto Toronto oo caasimadda ah.
Ugu dambayn, Madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Ergeyga gaarka ah taas oo ku aaddan halganka uu ugu jiro u qareemidda bulshada Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen iyo colaadaha xiligaan ka dilaacay gobollada qaar oo dhaliyay barakac hor leh oo ay sameeyeen bulshooyinka deegaanka.
Goobjoog News