Madaxweyne Xasan Shiikh oo Guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ah Ee Golaha Wasiirrada
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo dowladdu ay kala wareegtay Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada, dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan ladagaallanka Al-shabaab oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah Al-shabaab iyo xoreynta deegaannada ay haystaan, waxaana jira in cidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado sida uu hadalka u dhigay, waxaana kulanka uu kusoo aadayaa xilli uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Goobjoog News