U bood dhigaalka

AFRICOM oo sheegtay in duqayn ay ku dishay xubna ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Maraykanka  qaaradda Africa ee magacooda looyaqaano AFRICOM ayaa sheegay in ay duqayn ay ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay xubna ka tirsan ururka Al-shabaab.

Duqaayntan ayuu Maraykanku sheegay in ay timid kadib markii ay codsadeen dowladda Soomaaliya, waxaana lagu dilay lix xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab.

Hawlgalka ayaa laga fuliyay deegaan qiyaastii 248km waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaanaa sheegay in uusan jurin khasaaro soo gaaray dadka Shacabka ah.

AFRICOM ayaa sheegtay in ay sii wadayso taageerada hawlgallada ay siiso ciidamada iyo dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News