U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Lagu Ansixyay Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Sheeko:Baarlamaanka
Senatorrada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya ayaa maanta ku kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaa uu guddoomiyay  Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) oo ahaa  kalfadhiga labaad kulankiis 13-aad ee golaha ay isugu yimaadaan
Ajandaha kulanka golaha oo ahaa  akhrinta labaad ee Sharciga Korontada Qaranka, ayaa dood iyo aragtiyo kadib wuxuu uu  guddoomiye Timacadde, go’aamiyay in sharciga la ansixiyo maadaama aysan jirin qaladaad sharci oo ay tilmaameen intii la waday akhrinta labaad  Sanatarrada aqalka sare ee Baarlamaanka.
Mudanayaasha qaar kamd ah oo kulanka maanta ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda sharcigaan uu u leeyahay dalka sida uu sheegay Senator Muuse Suudi Yalaxoow, isaga oo baaq u diray dowladda federalka” Koronto cabaadkeedka wax nagu tari maayee Koronto bedesho dowladdu hanoo keento” ayuu yiri Senator Muuse oo ka hadlay.
Sanatar Cismaan Abuukar Dufle oo dhankiisa ka hadlay meel marinta sharciga ayaa sheegay in shirkada Korontada bixiya aysan siinin dadka ay guryaha ka gubto, kuwaas oo mararka qaar ay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ay ka dhalato sida uu hadalka u dhigay xilli uu ka hor hadlayay golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka.
” Guryihii waxaa ay ka gubtaa alaabta Electronic ah, adduunka markii ay dhacdo, haddii gurigaaagii Electronicniga qaaliga ahaa uu dhibaato gaaro magdhow buu leeyahay qofkaaas, sharci waxaa uu u leeyahay inuu hey’adda u dacwoodo inta la xaqiijiyo magdhow la siiyo laakiinta inta ma dhacdo” ayuu yiri Sanatar Cismaan Abuukar Dufle.
Kulanka oo salaad kadib la isku soo laabtay ayaa wadar ogol lagu ansixiyay Sharciga Korontada Qaran Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Jaamac Taqal Cabaas ayaa Sanatarrada golaha aqalka sare uga mahad celiyay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda Qaran sida ay u meel mariyeen sharciga Korontada Qanka oo muhiim u ah Dalka.
Goobjoog News