U bood dhigaalka

Hooyo Caruurteeda Ku Dishay Qardho iyo Ciidanka Booliiska oo Gacanta Ku Dhigay

Wararka naga soo gaarayo magalaada Qardho ee gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidanka Booliiska ay gacanta ku dhigeen haweeney la sheegay in ay dishay laba caruur ah oo ay dhashay sida ay wararku sheegayaan.

Ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Ubax Cabdi Cismaan oo ah hooyada ku eedeysan dilka caruurteeda, waxaana ay dishay Majiid Maxamed Cabdi oo jira 1sano iyo 8 bilood iyo  Maysoon Maxmed Cabdi oo sanad jir ah.

Ciidanka Booliska degmada Qardho ee Gobolka karkaar ayaa sheegay in ay gacanta lagu soo dhigay haweenayda, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka ay u geysatay labada caruur ay iyadu  dhashay.

Waalidiinta dilka u geysta caruurtooda ayaa kusoo badanayay dalka, waxaana ugu dambeeyay Aabe wiilkiisa ku dilay degmada Hilwaa ee gobolka Banaaadir, kaas oo ciidanka ammaanku ay gacanta ku soo dhigeen falka kadib.

Goobjoog News