U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada iyo Booliiska oo Ka Wadahadlay Amniga Goobaha Imtixaanka

Sheeko:Amniga
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha loo diyaariyey in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka.
Wasiir Faarax iyo S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay masuul ka yihiin bad qabka ardayda iyo amaanada Imtixaanka, wax ay sidoo kale fareen in ay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan, oo aysan khal khal galinin ardayda Imtixaanka ku jirta.
Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyey in ay Imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaasoo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada dalka,  sanadkaan ayaa wasaaraddu sheegtay in Imtixaanka xitaa degmooyinka qaarkood la geynayo oo lasoo fogeynin.
Goobjoog News