Guddoomiye Aadan Madoobe oo La Kulmay Dhiggiisa Sucuudi Carabiya
Sheeko:Baarlamaanka
uddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.
Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sucuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Baarlamaan.
Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.
Goobjoog News