U bood dhigaalka

Golaha Wasaarrada Galmudug oo Ansixiyay Degmanimada Godinlabe iyo Gadoon

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka.
Golaha ayaa warbixin buuxda oo ku saabsan amniga iyo qorshaha dagaalka wajiga labaad ee argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay kaga suganyihiin dhulka Dowladda Galmudug ka dhageystay wasaaradda Amniga.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor keentay Golaha xeerka degmeynta laba degmo, waxaa lagu ansixiyay shirka in loo aqoonsado Gadoon iyo Godinlaba degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka Dowladda Galmudug.
Goloha ayaa sidoo kale la hor keenay Hishiiskii Madasha Wadatashiga Qaran iyo sharciya doorashooyinka, guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaana ka warbixiyay sida ay isu waafaqsanyihiin qodobbadii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatshiga Qaran iyo Sharciga Doorashooyinka.
Golaha ayaana dood dheer kaddib cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku ansixiyay Hishiiskii Madadasha Wadatashiga Qaran iyo Sharciga Doorashooyinka. kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug ayaa sidoo kale maanta lagu ansixiyay sharciga dhulka Galmudug.
All reactions:

59