Maxay Ka Wadahadleeh Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Shariif Shiikh Axmed?
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa okulan is xog-wareeysi ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan ayaa lagu lafaguray xaalada guud ee dalka iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, Madaxeyne hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulamo kale duwan la qaatay mas’uuliyiin iyo xildhibaannada labada gole.
Kulanaka u dhaxeeya guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo madaxweyne hore Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa siweyn looga hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka kooxda Al-shaabaab.
Goobjoog News