U bood dhigaalka

Ciidamo KaTirsan Xoogga Dalka oo Tababar Loogu Soo Xiray Kismaayo

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana munaasabadda goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed iyo saraakiishii tababarka bixinaysay.

Tababarkaan oo socaday muddo labo bilood ah waxaa bixinayey saraakiil ka tirsan ATMIS, waxaana askartaan la baray caafimaadka oo laf-dhabar u ah nolosha aadanaha, kaalin weyna ku leh marxaladaha dagaalka ay dowladdu kula jirto Khawaarijta.

Tababarkaan ciidanka loosoo xiray ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo abaabul ciidan uu ka socdo Jubbaland, kaas oo loogu diyaar garoobayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo la filaayo inuu dhowaan ka bilowdo dalka.

Goobjoog News