Duqeymo Sababay Khasaaraha Dad Shacab ah oo Ka Dhacay Gobolka Gedo
Diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geystay deegaanka Ceel Cadde oo ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Duqeymahaan oo soo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa soo gaaray ilaa saakay waabarigii, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba ruux oo deegaanka laga yaqaanay, oo mid kamid ahaa nin shiikh ah sida ay sheegayaan wararka laga helayo.
Labada ruux ee geeriyootay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin magaciisa lagu soo koobay Miskiinow, manajiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo dhanka Jubbaland.
Dowladda Kenya ayaa marar badan waxaa ay duqeymo diyaadaheeda ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Gedo, waxaana inta badan wax ku noqda dad shacab ah, kuwaas oo guryahooda la duqeeyo iyo xarumaha shirkadaha oo ay beegsadaan.
Goobjoog News