U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Banaadir oo Tababar Usoo Xiray Shaqaale Dowladda Hoose ah

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir mudane Feysal Caraale Afrax ayaa soo soo xiray tababar socday mudda afar cisho oo ay ka faa’ideysteen 60 xubnood kamid ah hawlwadeenada qaybaha Maamulka Dawladda Hoose, kaas oo socday muda 4-cisho.
Aggaasimaha qorsheynta Dowladda hoose Xamar ayaa tilmaamay in tababarkan si gaar ah diiradda lagu saaray casriyeenta iyo Qorshaynta Caasimadda, sida deegaamaynta, goobaha warshadaha, Ganacsiga iyo guud ahaan horumarinta adeegyada bulshada,
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir mudane Feysal Caraale Afrax ayaa si wadajir ah ula dardaarmay howl wadeenada tababarka loo soo xiray in wax yaabihii ay ka faaideyn ay ugu adeegaan bulshada iyo horumarinta Caasimadda.
Goobjoog News