U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ku Wajahan Dhuusamareeb iyo Qabanqaabo Ka Socota

Madaxweynaha Jahuuriyadda Feederalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada caasimadda ah.

Ciidamo kale duwan oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada qaranka, nabad sugidda iyo daraawiishta Galmudug ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada, waxaana halkaas ka socota qabanqaabada soo dhoweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa oo gaaraya saacadaha soo aadan Dhuusamreeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey u gaaray wufuud hordhac u ah safarka madaxweynaha, waxaana ka qeyb ahaa taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad, kaas oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay inuu hoggaamin doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo laga fulinayo deegaanno dhacaya bariga gobolka Galgaduud, waxaana uu madaxtooyo ka dhigan doona magaalada inta uu socdo howlgalka xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb waxaa waxaa uu safar ku gaari doonaa magaalada Xarardheere oo dhowaan laga saaray Al-shabaab iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobolka sida ay sheegayaan wararka laga helayo Galmudug.

Goobjoog News