Kulan Looga Hadlayay Dardargelinta Amniga Caasimadda oo Muqdisho Lagu Qabtay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cali Doodishe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ku saabsan dardargelinta amniga Caasimadda, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Maandooriyaha la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Police Millitary iyo dhamaan saraakiisha kale.
Shirkaan ayaa la isla qaatay in la dardargeliyo Awaamiirtii horey ugu soo baxay Madaxda Dowladda oo ay ugu horeyso Xakameynta Hubka iyadoona qofkii ku xadgudubta lala tiigsan doonno Maxkamadaha ku shaqada leh, Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee (Garan-waaga), Maandooriyaha, Wacyigelinta Bulshada iyo in la xoojiyo Wada-shaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo Laamaha Amaanka, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday.
Ugu daneyn shirkaan ayaa lagu amaanay Doorka Hogaamineed ee Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab si dagaalkaasi loogu guul gaarana ay muhiim tahay in Bulshada Caasimadda ee doorkooda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab, waxaana bulshada caasimadda loogu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga caasimadda.
Goobjoog News