Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowaladda Shiinaha
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dagaalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Al-shabaab iyo arrimaha bani’aadamminimada ee ka jira deegaannada lala wareegay.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka Al-shabaab iyo guud ahaan in dalka looga saaro muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.
Danjire Dixon ayaa dhankiisa,ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka al-shabaab iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.
Goobjoog News