U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo Xarigga ka Jaray Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka

Ra’isal Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Saalax Jaamac ayaa maanta xarigga jaray xarunta dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee magaceeda loo soo gaabiyo SODMA.

Agoosto, sanadkii hore ayaa dawladda Soomaaliya dib-u-hawlgalisay hay’adda SODMA si dalka looga badnaadiyo macluul iyo abaaro baahsan oo dalka markaas ka jiray. Hawlgelinta kadib guddoonka SODMA, Maxamuud Macallin iyo Dr. Axmed Cabdi Aaden, iyo guud ahaan hawlwadeennada hay’adda ayaa isku hawlay ka hortagga iyo yareynta khatarihii dalka soo wajahay ee macluusha, abaaraha iyo fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo ka hadlay munaasabaddii xarig-jarka xarunta ayaa bogaadiyey muddada kooban ee sanadka ah hawlaha baaxadda leh ee ay hay’addu qabatay isagoo sidoo kale sheegay in wali ay sugayso hay’adda hawla baxaad leh madaama dalka uu ka socda dagaalka Qawaarijta lagula jiro.

Gudoomiye Maxamud Macallin oo ka hadlay munasabadda xarig jarka ayaa isagana ka shekeyay marxaladihii kala duwnaa ee ay soo martay hay’adda SODMA mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay, isagoo sheegay markuu xilka la wareegay in hay’addu ay ku shaqayneysay xarun kiro ah, maantana ay SODMA dagantahay xarun dhexe oo ay iyadu leedahay.

Xafladda xarig jarka oo si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Gargaarka iyo Arimaha Bini’adinmada KGS mudane Abdinasir Caruush, wakiillo ka socday hay’adda UNDP oo ah hay’adda dhistay xarunta SODMA, iyo Maamulka kala duwan ee Hay’adda.