U bood dhigaalka

Qaramada midoobay oo ka digtay in  Roobabka El Niño ay saameyn ku yeelan karaan ilaa 3.4 milyan oo qof oo Soomaali ah

Sebteembar 23, 2026

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in roobabka la saadaaliyay ee El Niño ay saameyn ku yeelan karaan ilaa 3.4 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, iyadoo khatarta fatahaadaha ay sare u sii kacayso bilaha Oktoobar ilaa Diseembar.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in roobabka culus ay saameyn karaan 16 ka mid ah 18-ka gobol ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo xusay gobollada Hiiraan, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

OCHA waxay sheegtay in fatahaadaha la filayo ay noqon karaan kuwo la mid ah ama ka sii daran xilliyadii fatahaadaha ee 2023 iyo 1997, kuwaas oo ka mid ahaa xilliyadii ugu adkaa ee fatahaadaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in xaaladda ay sii adkaan karto maadaama bulshooyin badan aysan weli si buuxda uga soo kaban abaartii daba dheeraatay ee sanadkan.
Isku-darka fatahaadaha, barakaca iyo adeegyada nadaafadeed oo aan ku filnayn ayaa kordhin kara khatarta faafitaanka cudurrada ka dhasha biyaha wasakhaysan.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli adeegyada caafimaadka ay wajahayaan dhaqaale yari. Sida OCHA sheegtay, ugu yaraan 380 xarumood oo caafimaad ayaa xirmay ama shaqadoodu hoos u dhacday sababo la xiriira dhaqaale la’aan.

Sidoo kale, 115 xarumood oo caafimaad oo guur-guura ayaa la xiray, taas oo adeegyada caafimaad ka jartay qaybo ka mid ah dadka ku nool deegaanada fogfog iyo kuwa ay adag tahay in la gaaro.

Qaramada Midoobay, hay’adaha gargaarka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay tallaabooyin loogu diyaar garoobayo fatahaadaha iyo barakaca ka dhalan kara.

Tallaabooyinka waxaa ka mid ah qiimeynta khataraha, qorsheynta xaaladaha degdegga ah, digniin hore, wacyigelinta bulshada iyo kaydinta sahayda meelaha ay khatartu ugu badan tahay.

OCHA waxay sheegtay in casharro laga bartay xaaladdii cimilada ee 2023, xilligaas oo fatahaado iyo abaaro ay barakiciyeen ku dhowaad 2.3 milyan oo qof, isla markaana ay saameeyeen malaayiin kale.

Inkasta oo diyaar-garowga la xoojinayo, haddana OCHA waxay sheegtay in ay jiraan farqi weyn oo dhanka maalgelinta iyo diyaar-garowga ah, gaar ahaan goobaha khatartu sareyso.

Qorshaha Soomaaliya ee Baahiyaha Bani’aadantinimo iyo Jawaabta ee 2026, oo ku kacaya 852 milyan oo doollar, ayaa ilaa hadda helay oo keliya 31 boqolkiiba maalgelintiisa, taas oo u dhiganta qiyaastii 262 milyan oo doollar.

OCHA ayaa sheegtay in waqtiga loogu diyaar garoobayo xilliga roobabka uu sii yaraanayo, waxayna ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha iyo dhinacyada ay khusayso in si degdeg ah loo kordhiyo dhaqaalaha loogu talagalay diyaar-garowga iyo tallaabooyinka hore.