Heerka biyaha Webiga Shabeelle ee magaalada Jowhar ayaa toddobaad gudihiis si weyn kor ugu kacay, isagoo ku dhowaaday heerka digniinta fatahaadda, sida lagu sheegay saadaashii ugu dambeysay ee FAO-SWALIM.
Cabbirka webiga ayaa ka kacay 2.48 mitir ilaa 4.70 mitir, taasoo ka dhigan koror dhan 2.22 mitir. Heerka hadda la diiwaangeliyey wuxuu 30 sentimitir oo keliya ka hooseeyaa heerka khatarta dhexdhexaadka ah ee shanta mitir, halka heerka khatarta sare uu yahay 5.25 mitir.
FAO-SWALIM waxay sheegtay in xawaaraha kororka biyuhu yara gaabiyey, balse roobab dhexdhexaad ilaa culus laga filayo qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo buuraleyda Itoobiya.
Roobabka ka da’a dhulka sare ee Itoobiya waxay sare u qaadi karaan Webiyada Shabeelle iyo Jubba, xitaa marka roob yar uu gudaha Soomaaliya ka da’o.
Beledweyne ayaa laga diiwaangeliyey afar mitir, Buuloburdina 3.20 mitir, halka xaaladda Webiga Jubba ay xasilloon tahay marka la eego cabbirrada Doolow iyo Luuq.
Kororka degdegga ah ee Jowhar wuxuu khatar gelin karaa beeraha, guryaha iyo waddooyinka ku yaalla hareeraha webiga, gaar ahaan haddii roobabka Itoobiya ay sii kordhaan.
Fatahaaddu waxay sidoo kale keeni kartaa barakac, burbur dalagyo iyo go’itaanka waddooyinka sahayda iyo gargaarka.
Maamulka Hirshabeelle iyo hay’adaha gurmadka ayaa looga baahan yahay inay xoojiyaan jiinka webiga, xiraan meelaha jilicsan, diyaariyaan waddooyinka daadgureynta, isla markaana digniin joogto ah gaarsiiyaan bulshada.