U bood dhigaalka

Roobk Deyrta oo ka curtay  Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan dalka

Sebteembar 16, 2026

Roobab xooggan oo saacado badan socday ayaa xalay ilaa saaka ka da’ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Roobka ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday xalay, waxaana uu socday ilaa saaka, iyadoo meelo badan oo caasimadda ka mid ah laga dareemay daadad iyo waddooyinka buux dhaafiyay.

Roobabka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Roobka oo ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya galayso xilliga Deyrta, ayaa sababay isku socodka gaadiidka iyo dadka oo meelo ka mid ah Muqdisho uu hakad ama gaabis ku yimid, gaar ahaan goobaha ay biyuhu fariisteen.

Dadweynaha ku nool caasimadda ayaa si weyn u soo dhaweeyey roobkan, maadaama uu ku soo aaday xilli dalka laga soo gudbayay xilliga Xagaaga oo inta badan lagu yaqaan kulayl iyo roobab yari.

Qaar ka mid ah dadka ayaa roobkan ku tilmaamay mid ka mid ah roobabkii ugu horreeyey ee Deyrta ee si xooggan uga da’a Muqdisho.

Xilliga Deyrta ee Soomaaliya ayaa caadi ahaan ku  soo beegma bartamaha ama dhammaadka bisha September, waxaana uu socon karaa ilaa bilaha October iyo November, iyadoo waqtiga iyo xoogga roobabku ay ku kala duwan yihiin gobollada dalka.