U bood dhigaalka

In ka badan 274 Kun oo Qof oo Halis ugu Jira Fatahaadaha El Niño iyo Qaramada Midoobay oo Ku Baaqday Diyaar-garow Degdeg ah

Ogoosto 5, 2026

Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO), ayaa ka digtay khatar weyn oo fatahaado ah oo ka dhalan karta roobabka El Niño, kuwaas oo la saadaaliyay inay saameyn xooggan ku yeelan karaan dooxada Webiga Shabeelle.

Sida ay sheegtay Waaxda Maareynta Xogta Biyaha iyo Dhulka ee FAO (SWALIM), in ka badan 274,000 oo qof ayaa halis ugu jira fatahaado, kuwaas oo sababi kara barakac ballaaran, burbur ku yimaada dhul-beereedka iyo go’doomin soo wajahda bulshooyinka ku nool hareeraha webiga, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hay’adaha gargaarka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka inay si degdeg ah u xoojiyaan qorshayaasha ka hortagga masiibooyinka.

Tallaabooyinka mudnaanta leh waxaa ka mid ah in bulshada la gaarsiiyo digniino horudhac ah oo ku saabsan fatahaadaha, si dadka deggan deegaannada halista ku jira ay ugu guuraan goobo ammaan ah ka hor inta aysan biyuhu soo gaarin.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay dayactirka iyo nadiifinta biyo-xireennada, gaar ahaan biyo-xireenka Sabuun ee magaalada Jowhar, si loo yareeyo halista biyaha ku fatahaya deegaannada ku dhow.

Dhanka kale, FAO ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo maareeyo deeq lacageed oo dhan hal milyan oo doollar oo dowladda Belgium ku taageertay sanduuqa SFERA, si gargaar lacageed loogu gaarsiiyo qoysaska ugu nugul ka hor inta aysan fatahaaduhu go’doomin.

Hay’adaha Qaramada Midoobay waxay xuseen in Soomaaliya ay weli ka mid tahay dalalka ugu daran ee ay saameeyaan isbeddelka cimilada, iyagoo carrabka ku adkeeyay in maalgelinta iyo diyaar-garowga ka hor masiibada ay ka waxtar badan yihiin gurmadka la sameeyo marka ay musiibadu dhacdo.

Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in loo baahan yahay iskaashi dhow oo dhex mara dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka si loo badbaadiyo nolosha dadka, loona yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha la filayo inay ku dhuftaan koonfurta iyo bartamaha dalka.