U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo Shaacisay Waqtiga ay Ciidankeeda Kala Baxayso Soomaaliya

Dowladda Kenya oo ciidamo badan ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ku sugan dalka iyo ayaa shaaca ka qaaday goorta ay ciidanka ay kala baxayso Soomaaliya, xilli ciidanka Midowga Afrika lagu wado in dabayaaqada 2024 ay baxaan.

Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM eek u sugan Soomaaliya ay dalka uga bixi doonaan afar waji, isa oo intaa ku daray in ay ku xirnaaneyso heerka guusha laga gaaro howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

“Marka go’aanka ciidamada Kenya ay uga baxayaan Soomaaliya waxa ay ku xiran tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin horumarka laga gaaray shaqada ATMIS-ka iyo xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka oo ka hor hadlayay aqalka Senedka dalka Kenya oo su’aalay.

si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ay bilaabatay bishii April ee sanadkii hore, taasoo ah istaraatiijiyad hoos u dhac ah oo looga dan leeyahay in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliya ilaa bisha Diseembar 31, 2024.

Hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ayaa imaanaya xilli Soomalaiya ay ka baxeen 2,000 oo ka tirsan ciidan ATMIS ah, 400 oo ka mid ah ciidamada Kenya, 400 oo Uganda ah, 400 oo ka socda Itoobiya, 600 oo Burundi ah iyo 150 ka socda Jabuuti, kuwaas oo taageeraya ciidanka dowladda federalka Soomaaliya.

Goobjoog News