U bood dhigaalka

Milatariga Ruushka oo Sheegay Iney Soo Rideen Diyaarado Duqeymo Ka Fuliyay Xadka

Ciidamada dowladda Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen 31 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay Ukraine leedahay, kuwaas habeenimadii xalay duqeymo ku garaacday gobollada xadka ay wadaagaan ee Belgorod, Bryansk iyo Kursk.

Ruushku weerarkaas kadib sheegtay inuu  samayn doono tijaabo heer qaran ah oo ku saabsan hababka digniinta degdega ah ee dadweynaha, iyada oo u oggolaanaysa seeriga baroorta iyo joojinta baahinta telefishinada iyo raadiyaha macluumaadka amniga.

“Nidaamka digniinta waxaa loogu talagalay in uu si ku habboon ugu gudbiyo calaamadda dadweynaha haddii ay dhacdo khatar ama xaalad degdeg ah oo dabiici ah ama dabeecadda aadanaha,” ayay sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca dalkaasi.

Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay dhankooda in burburinta Ruushka uu sheegay ay ahaayeen diyaarado loogu talo galay in ay sahmiyaan aaga dagaalka labada dhinac, waxaaana sarkaal u hadlay ciidanka circa uu meesha ka saaray khasaare jira.

Wasiirka Difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in tan iyo bilowgii 2023, 335,000 oo qof ay ku galeen shaqada milatari iyagoo qandaraas kula jira ciidamada qalabka sida ee Ruushka ama kooxaha mutadawiciinta ah ee yaqaana Veneer ee Ruushka.

Dagaalka Ukrine iyo Ruushka ayaa wali waxaa uu yahay mid sii socda, waxaana wali aan muuqan sabab uu kusoo gabagaboobi karo, taas oo meesha ka saareyso in labada dhinac ay muuqato in la isugu imaan karo Miiska wadahadalka iyo dhammeynta hadalka.

Goobjoog News