U bood dhigaalka

Khasaare Kale Duwan oo Dhashay Duqeyn Cusub oo Ruusku Ku Fuliyay Gudaha Ukrain.

Khasaare kale duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay duqeyn xalay ay geysteen diyaaradaha Ruushka, oo maalhaan duqeymo isxigay ay ciidankeeda ka fuliyeen dalka Ukaine, gaar ahaan gobollada xadka.

Duqayn ay fuliyeen ciidamada Ruushka ayaa lagu garaacay dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal gobolka bari ee Kharkiv, halkaas oo lagu dilay wiil 10 jir ah, halka sidoo kale ay jiraan dhaawaca 16 kale , sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa weerar ku qaaday dekedda ee gobolka Odesa ee Ukraine horaantii subaxnimadii saaka Oo jimcahaa, iyaga oo waxyeelo u gaystay shilin haruur ah oo u dhaw wabiga Danube.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhinaca Wabiga. Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay inay qabteen 25 ka mid ah 33 weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed oo Ruushku ku bartilmaameedsaday Odesa, Kharkiv iyo 5 gobol oo kale oo dalkaasi ah.

Dagaalka labada dhinac ayaa wali aysan jirin xal waara oo muuqda in laga gaari karo, waxaana maalmihii dambe socday walaaca dunida ay ka qabto sii socoshada dagaalka Ukraine iyo Ruush ee qarxay sanadkii 2022.

Walaaca Bariga Afrika ayaa cirka isku sii shareeraya kadib heshiiskii bada madow ee la joojiyay Go’aanka Ruushka ee bishii Luulyo si uu uga baxo heshiis u ku oggolaanaya dhoofinta alaabaha beeraha ee Ukraine,iyada oo loo marayo marin ammaan ah dhinaca badda madow xili uu socdo dagaalka heshiiskaan ayaa Kala saaraaye dagaalka iyo ganacsiga.

Muddo sanado ah, wadamada Bariga Afrika ee uu ka dhashay isbeddelka cimiladu waxay ku tiirsanaayeen dhoofinta badarka Ukraine si ay u helaan cuno.Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in dhamaadka heshiisku uu horseedi karo kor u kaca qiimaha macmiishada, iyo culays dheeraad ah beeralayda iyo hay’adaha gargaarka ee lacagta caddaanka ah baxsho mar horeba la halgamaya wax ka qabashada caqabadaha sida colaadda abaarta ayaa walaac ka muujinaayo Arintaan.

Goobjoog News