U bood dhigaalka

Madaxweyne Putin oo Iska Fogeeyay Shilkii Diyaarad Ee Lagu Dilay Yevgeny Prigozhin

Madaxwweyanaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa iska fogeeyay eedeymaha dowladdii loogu heysto in ay ka dambeysay dilkii dhowaan loo geystay hoggaamiyihii kooxda colooshood u shaqeystayaasha Ruushka oo shil diyaaradeed ku geeriyooda gudaha Mosciw.

Putin ayaa sheegay  in burburka diyaaradda uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner ninka lagu magacaabo Yevgeny Prigozhin, ay sababeen bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda,balse uusan aheyn gantaal lagu soo riday diyaaradaasi oo tuhukaas loo heystay Ruushka.

Madaxweynaha ayaa xusay in in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August 2023, waxaana uu ka saaray meesha in arrintaas ay ku lug leedahay khilaafka kooxda iyo isaga u dhaxeeyay.

“Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda – tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, isagoo u muuqday mid qashinka ka qaadaya sheegashada saraakiisha Mareykanka oo rumeysan in diyaaradda la soo riday oo gantaal lagu dhuftay.

Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August, kuwaas uu ku jiray madaxii kooxda Wagner ninka lagu magacaabo Yevgeny Prigozhin.

Goobjoog News