U bood dhigaalka

Ururka Xamaas oo 5000 oo Gantaal Ku Ridday Israel iyo Jahwareer Ka Taagan

Marinka Qaza ee dhulka reer Falastiin ayaa waxaa ka socada dagaal xooggan oo u dhaxeeya  kooxda Islaamiga ah Xamaas iyo Milatariga Israel, waxaana dagaalku uu sababay khasaare kale duwan, xilli Milatariga Keydka Isra’il loo yeeray.

Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda in ay weerar lama filaan ah ku galeen koonfurta Israael, waxaana haatan lagu hayaa baadi goob, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha difaaca Isra’il.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya in Israel ay qabsatay Xamaas, waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan sababo dhinaca Israel ah oo uu sheegay in kumanaan ka mid ah ciidamada kaydka ah loogu yeerayo.

Mas’uul ka tirsan ururka Xamaas ayaa u sheegay Tv uu uruurku leeyahay in 2,000 oo gantaal oo kale ay rideen dhanka Israel, kuwaas oo qeyb ka ah 5,000 oo uu taliyaha guud ee Xamaas ku dhawaaqay, waxaana wali socda gantaalaha la isku rido.

Waxaa sidoo kale mas’uulka u hadlay ururka Xamaas ayaa sheegay in weerarkaan uu jawaab u yahay dacadiyada Isra’il ay u geysteen dadka reer Falastiin, Xamaas ayaa 20 daqiiqo gudahooda ku riday ilaa 5000 oo gantaal, kuwaas oo khasaare dhaliyay.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka wadaan marinka Qaza kadib markii ay sheegeen in dagaalyahano Falastiiniyiin ah ay galeen dalkaasi, Hal qof ayaa ku dhintay, waxaana jira warar sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow Tel Aviv.

Golaha wasiirada amniga ee Israa’iil ayaa shir ka yeelan doona 1-da duhurnimo ee waqtiga maxaliga ah ee ku saabsan weerarka lama filaanka ah ee Xamaas, xafiiska raesul wasaaraha ayaa sidaas yidhi, Kahor kulanka, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa saraakisha la yeelan doona kulan xaalada lagu qiimaynaya.

Goobjoog News