U bood dhigaalka

Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo War Kasoo Saaray Weerarka Lagu Qaaday Israel

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa war kasoo saaray weerarrada Israa’iil ee ay Falastiiniyiintu ku qaadeen, kuwaas oo sababay khasaare kale duwan, kadib markii 5000 oo Gantaal lagu riday Koonfurta Galbeed Israel.

Telefishinka Israa’iil ee Reshet 13 ayaa ku warramaya in kooxo Falastiiniyiin ah ay maxaabiis Israa’iiliyiin ah ku hayaan magaalada Ofakim ee koonfurta dalkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo mas’uuliyiin soo xiganaysa.

“Maalmaha soo socda waxay Waaxda Difaaca la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Israa’iil ay hesho waxa ay u baahan tahay inay shacabkeeda uga difaacdo rabshadda iyo argagixisannimada aan kala sooca lahayn.” Ayuu yiri.

Israel ayaa goor sii horeysay sheegtay inay duqeymo ku bilowday bartilmaameedyo ku yaal Qasa si ay jawaab uga bixiso weerarka gantaalada ee saaka lagu kediyey, waxaana muuqata in xaaladdu ay gashay Jahwareer kadib weerarka.

Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa imaanaya xilli Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda in ay weerar lama filaan ah ku galeen koonfurta Israael, oo 5000 oo Gantaal lagu qaaday.

Goobjoog News