U bood dhigaalka

Dhulgariir Khasaare Dhaliyay oo Ku Dhuftay Afghanistan, Xilli Maxico Laga Dareemayo

Dhulgariir cabirkiisa lagu sheegay 6.3 ayaa ku dhuftay Afghanistan, kaas oo  ku dhuftay 15 Tuulo oo ku taalla Koonfurta.  Tirada dhimashada dhulgariirka  ​​ayaa hadda gaartay ugu yaraan 320, sida lagu sheegtay warbixin Qaramada Midoobay.

Waxay ku soo beegantay maalin saddex dhulgariir oo xooggan ay ku dhufteen adduunka, iyadoo sidoo kale gariir laga dareemay  Mexico iyo Papua New Guinea oo dhaca Indian Ocean, dhulgariirka ayaa sabtidii ku dhuftay galinkii dambe.

Wararka laga helayo gudaha dalka ayaa warinayo in dhimashadu ay ka badan tahay inta laga soo xigtay Qaramada Midoobay, sida uu sheegay sarkaal u hadlay Taalibaan oo hadlayay xilli uu ku sugnaa goobta dhul ka gariiray gudaha Afghanistaan

Aayatullah Saabir, taliyaha Dawladda Daalibaan ee Herat, ayaa BBC u sheegay inuu qiyaasayo in 1,500 oo qof ay ku dhinteen illaa 15 tuulo” 15 tuulo waxa ku noolaa 1,700, qiyaastiisana waxa uu rumeysan yahay kaliya inay ka badbaadeen “200 ama 300”.

Saraakiisha Dawladda Daalibaan ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in waxyeellada dhulgariirku aad u sareyso maadaama tuulooyin badan ay dhammaantood burbureen, waxaana sidoo kale jira walaac laga qabo inuu dhici karo Dhulgariir kale oo xooggan.

Dhulgariirka ku dhuftay Afghanistaan ayaa ku soo aadaya xilli shalay dhulgariir laga dareemay Mexico iyo Papua New Guinea oo dhaca Indian Ocean, waxaana dunida meelo badan 2023 ka dhacay dhulgariirro  isxigxigay, kuwaas oo khasaare badan sababay.

Goobjoog News