U bood dhigaalka

Duqeymaha Qaza oo ay Ku Dhinteen 700 oo Falastiiniyiin ah oo ay Ku Jiraan 40 Caruur

Magaalada Qaza ayaa ka sii socda duqeymaha ay geysanayaaan diyaaradaha dagaalka Israel, waxaana dagaallo iyo duqeymo maalintii afaraad isdhaafsanaya labada dhinac Milatariga Israel iyo Xamaas, xillii ay sii kordhayaan khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah eek u nool magaalada, waxaana gabaabsi ah cuntada biyaha iyo daawada.

Waxaa inta la xaqiijiyay duqeymaha Qasa In ka badan 700 oo ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen  duqeymaha Israa’iil,kadib kolkii ay go’doomiyeen deegaanka Gaza oo dadka ku nool ay u baahan yihiin  cunto iyo shiidaal, Israel ayaa dhankeeda waxaa ku dhacaya gantaalaha ay tuurayaan Xamaas.

Wasiirka Caafimaadka Falastiin ayaa dalbaday in la la sameeyo waddo nabdoon oo soo gasha Gaza si gargaarka caafimaad loo soo gaarsiiyo cisbitaalada halkaasi oo ay buux dhaafiyeen tiro dad ah oo aad u fara badan,kuwaas oo qaba dhaawacyo kale duwan oo kasoo gaaray duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha Israel oo gantaalada tuuraya.

Kooxda Xamas ayaa sheegtay in ay dili doonto dadka Israeli ee ay heystaan,haddii aysan joojin weerarada iyo duqeynaha ay ku hayaan dadka rayidka ah“Waa dambi dagaal marka loo eego qawaaniinta Qaramada Midoobay in dad rayid ah la go’doomiyo si ay ugu dhintaan gaajo” sarkaal u hadlay Falastiin ayaa yiri.

Dagaalka u dhaxeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa bilowday maalinimadii Sabtida ee la soo dhaaafay, waxaanna tirade dhimashada Israa;iil ay mareysaa 900 oo qof,iyadoo colaadaha cusub ay dabajoogaan ciidanka Yuhuudda oo sanadihii u dambeeyay  geystay falal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka Falastiin iyo in ay mamnuucaan ama xoog ku galaan goobaha barakeysan sida Masjidka Al-Aqsa.

Goobjoog News